Home Afsomali Jubbaland oo mamnuucay jarista dhirta iyo shidida dhuxusha

Jubbaland oo mamnuucay jarista dhirta iyo shidida dhuxusha

Maamulka jubbaland ayaa mamnuucay jarista dhirta iyo shidida dhuxusha si loo ilaaliyo degaanka.

Mas’uuliyiin ka tirsan Jubaland oo gaaray degaanno ka baxsan magaalada Kismaayo ayaa ku amray laamaha amniga in tallaabo adag laga qaado dadka dhirta guba si ay dhuxul uga shidaan.

Mas’uuyiyiinta ayaa booqday degaanno kala duwan oo ku yaalla duleedka Kismaayo halkaas oo maalmihii u danbeeyay laga soo sheegayay kooxo dhuxulaysato ah.

Gobolka Jubada hoose ayaa kamid ah meelaha ay dhibaatada badan ku hayaan dadka loo yaqaan dhuxulaysatada ee xaalufiya degaanka.

Previous articleQarax khasaare geystay ka dhacay degmada Buulo-burde
Next articleMa Runbaa in Soomaaliya Laga Diiday Ku Biirista Dalladda (EAC) Xilligii Kiiska Badda?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.