Guddiga Doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland ayaa ku dhawaaqay liiska 13 kursi oo kamid ah 43-da kursi oo degaan doorashadoodu tahay degaannada Dowlad Goboleedka Jubbaland.
Kuraastaan ayaa qaarkood doorashadoodu waxaa ay tahay mid adag halka kuwo kale aan loo geli doonin tartan adag, waxaana badi ku fadhiya Xildhibaano 8-dii sano ee la soo dhaafay kamid ahaa Xildhibaannada Golaha Shacabka.
13-ka Kursi ee Guddiga doorashooyinka Jubbaland ay shaaciyeen in doorashadooda la qabanayo oo ay kujiraan laba Dumar ah ayaa waxaa ay kala yihiin.
1: HOP023 oo uu ku fadhiyo Cali Maxamed Muuse
2: HOP 029 oo Afartii sano ee la soo dhaafay uu ku fadhiyay liibaan Cusmaan Cabdiraxmaan
3: HOP 072 oo sanadihii la soo dhaafay uu ku fadhiyay Cabdirashiid Maxamed Xiddig
4: HOP 079 oo ay ku fadhiso Farxiya Xasan Axmed
5: HOP 092 oo uu ku fadhiyo Maxamuud Cabdullaahi Siraaji oo hadda ah guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka.
6:HOP 112 oo uu ku fadhiyo Cabdicasiis Cabdullaahi Maxamed (Xukun)
7: HOP 124 oo kamid ah kuraasta ugu adag ayaa waxaa ku fadhiya Cabdullaahi Xersi Kulmiye (Cabdiraxmaan Dheere) oo ku dhow Villa Somalia saaxiibna la ah la-taliyaha Amniga Qaranka Farmaajo ee Fahad Yaasiin.
8: HOP 127 oo uu hadda ku fadhiyo Cali Cismaan Xirsi
9: HOP 130 oo uu ku fadhiyo Maxamed Diiriye Khaliif
10: HOP 132 oo Afartii sano ee la soo dhaafay uu ku fadhiyay Ibraahim Maxamed Xuseen Buulle
11:HOP 133 oo ay ku fadhiso Luul Cabdi Aadan
12: HOP 136 oo uu ka geeriyooday Maxamed Cabdi Maxamed Gaandi iyo
13: HOP 219 oo uu ku fadhiyo Cabdifataax Maxamed Cali.
Maamulka Jubbaland ayaa horay u shaaciyay liiska 14 Kursi oo dooraahadooda la qabanayo halka horay loo qabtay doorashada lix kamid ah kuraasta Golaha Shacabka