Home Afsomali Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka u qaabilsan Afrika oo digniin u...

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka u qaabilsan Afrika oo digniin u diray Madaxweyne Xasan Sheekh

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka u qaabilsan Afrika oo digniin u diray Madaxweyne Xasan Sheekh

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka u qaabilsan arrimaha Afrika ayaa fariin digniin ah u diray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo uga digay dadaallada is uruursiga awoodda iyo isbeddellada siyaasadeed ee aan loo marin hannaan wadatashi qaran.

“Dhammaan daneeyayaasha iyo saamileyda ay khuseeyo waa in ay ka qeyb galaan go’aamada la xiriira isbeddelka nidaamka federaalka iyo doorashooyinka Soomaaliya. Go’aamo laga gaaro arrimahaas iyadoo aan la helin taageero ballaaran, waxay noqon doonaan kuwo aan sharciyad buuxda laheyn waxayna carqaladeyn doonaan la tacaalidda caqabadaha amni ee taagan,” ayuu yiri mas’uulka Maraykanka ah.

Digniintan ayaa imaneysa xilli dowladda Federaalka ay wado dadaallo lagu beddelayo qaab-dhismeedka dowladda federaalka iyo habka doorashooyinka, taasoo ay ka walaacsan yihiin qaar kamid ah dowlad-goboleedyada, mucaaradka iyo bulshada rayidka ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.