Home Afsomali Kacdoon dad weyne oo ka socda dalka Maali

Kacdoon dad weyne oo ka socda dalka Maali

Kumanaan shacab ah ayaa caasimada dalka MALI ka dhigay banaanbax rabshado wata, qaar kamid ah shacabka ayaa xoog ku galay Xarunta Telefishinka Qaranka iyagoona sidoo kale isku dayey inay la wareegaan xarunta Baarlamaanka.

Mudaharaadyada ayaa bilowday salaadii jimce kadib waxayna socdeen illaa xalay saqdhexe.
Xiisada ka taagan magaalada caasimada u ah Mali ayaa la xariirta cadaadiska ay shacabka saarayaan Madaxweynaha dalkaasi oo ay ku eedeenayaan inuu ku fashilay siyaasada xasilinta dalka iyo waliba la dagaalanka cudurka Covid19.
Ugu yaraan 1 qof ayaa la sheegay inay ku dhinteen rabshadaha, booliiska ayaa isku dayey inuu ka hortago shacabka gadoodsan balse waxaa jira goobo badan oo ganacsi oo la bililiqeystay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.