Home Afsomali Kala saar is qabqabsigaan cida maamulka ku haboon

Kala saar is qabqabsigaan cida maamulka ku haboon

Saacadihii la soo dhaafay, waxaa soo kordhay warar sheegay isbeddel lagu sameynayo hoggaanka hay’adaha amniga Soomaaliya, iyadoo khilaaf xooggan uu ka dhex taagan yahay hay’adahaasi. Khilaafkan ayaa salka ku haya maamulka diyaarado dagaal oo casri ah oo Turkigu dhawaan ku wareejiyay Soomaaliya, kuwaas oo loogu talagalay dagaalka ka dhanka ah AS.

Diyaaradahaas, oo ah nooca Bayraktar Akıncı, ayaa lagu soo iibiyay taageero dhaqaale oo ka timid dowladda Qadar, waxaana hadda la isku haystaa cidda maamuleysa. Taliska Xoogga Dalka iyo Hay’adda Nabad Sugidda (NISA) ayaa mid walba sheeganaya in ay iyagu xaq u leeyihiin maamulka diyaaradahaas. Taliska Xoogga Dalka wuxuu ku doodayaa in diyaaradaha lagu soo iibiyay magaca ciidanka cirka ee xoogga dalka, halka NISA ay sheeganayso in ay masuul ka tahay amniga guud ee dalka. 

Wasiir Jaamac, oo horey u ahaa Wasiirka Gaashaandhigga, haatanna ah Wasiirka Dekedaha, ayaa weli gacanta ku haya galka xiriirka Turkiga, taasoo sababtay in uu diyaaradaha hoos geeyo NISA intii uu hayay xilka Gaashaandhigga. Tani waxay keentay in Taliska Xoogga Dalka uu ka caroodo, isagoo ku doodaya in diyaaradahaas ay yihiin kuwo loogu talagalay ciidanka cirka.

Taliyaha milatariga Soomaaliya ayaa dhawaan dalbaday duqeymo cirka ah oo ka dhan ah Al-Shabaab, balse waxaa loo sheegay cudur-daarro ay ka mid yihiin in hawada uu roob ku jiro, in amar looga baahan yahay Wasiir Jaamac. Taasi waa cuntami waysay Taliyaha.

Sarkaal ka tirsan Turkisom, oo diiday in magaciisa la xigto, ayaa u sheegay  somalisan.com in saraakiisha Turkiga ay la yaabeen hab-dhaqanka saraakiisha amniga Soomaaliya, iyagoo sheegay in loo baahan yahay in wadajir loo wajaho howlgalka. NISA iyo Taliska Xoogga Dalka ayaa mid walba doonaya in uu ku faano howlgalada ay fuliyaan diyaaradaha, taasoo keentay in khilaafka uu sii xoogeysto.

Khilaafkan ayaa imanaya xilli Turkigu uu si rasmi ah ugu wareejiyay Soomaaliya laba diyaaradood oo Bayraktar Akıncı ah, kuwaas oo lagu xoojinayo awoodda cirka ee Soomaaliya si loola dagaallamo As.

Isku dhacyadan gudaha ah waxay halis ku yihiin dadaallada lagu xoojinayo amniga dalka, iyadoo loo baahan yahay in hay’adaha amniga ay si wadajir ah uga shaqeeyaan sidii loo wajahayo khataraha amni ee dalka ka jira.

https://youtube.com/@raadeerka?si=gxy5nswIBnRfRdDI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.