Home Afsomali Kala shaki hantiyadeed soo kala dhaxgalay rugta ganacsiga iyo gudiga dib...

Kala shaki hantiyadeed soo kala dhaxgalay rugta ganacsiga iyo gudiga dib u dhiska wadooyinka iyo ganacsatada iyo akoono si aan sharci aheyn loo sameystay

Ka Gudiga dhismaha wadooyinka

Og :Ku: Waaxda dib u dhiska wadooyinka

og : Shirkadda Kulmiye constractions

Og: Guddiga Gaadiidleyda ee Lixda shirkadood

Og :Rugta Ganacsiga iyo warshadaha Gobolka banaadir

Og : Rugta Ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliyeed

Og : Duqa magaalada Muqdisho Ahna Gudoomiyaha Gobolka banaadir

Og : wasaaradda gaadiidka Dowladda fadaraalka Soomaaliya

Og : Xafiiska Raiisal wasaaraha

                                    Ujeedo : Mahadnaq iyo Wargalin

walaalayaal sida aad la socotaanba gudiga dhismaha waddooyinku wuxuu Shaqo ka bilaabay dhammaadkii sanadkii 2015kii ‘wuxuna ka dhasjay talo wadaag ka yimid dhinmacyada kala duwan ee ganacsatada gobolka banaadir iyo shirkadaha gaadiidka ‘

Ujeedka guddiguna waxaay ku koobneyd dib u dhiska wadooyinka ‘waxaana la isku ogolaaday lacag ceymin ah oo ay kala bixinayaan ganacsiga iyo gaadiidleyda ‘masuuliyadda in howshaasi meesha loogau talo galay martana waxaa loo igmaday gudiga dib u dhiska wadooyinka .ilaa waqtigaasna wuxuu guddigu qabtay shaqo aad muhiim u ah ‘waxaana la dhisay woddooyinka kala ah

  1. waddada buulo xuubey

  2. waddada sayidka

  3. waddada wadnaha

  4. waddada dabka

  5. waddada kaaraan

  6. waddada sodonka

waxaan u mahadcelineynaa dhamaan ganmacsatada gobolka banaadir iyo shirkaddaha gaadiidleyda ee ka qeybqaatay dib u dhiska waddooyinka Gobolka banaadir .muhiimka u ah Gobolka Banaadir sida .

waxaana sidoo kale mahadnaq u soo jeedineynaa shirkaddaha hormuud telecom iyo dahabshiil oo qeybweyn ka qaatay dib u dhiska wadddooyinmka aan kor ku so xusnay .

waxaana marna wax lacag ah ku bixin mashruucaan qeybta shiidaalka oo isku day kasta aan waxba bixin

wargali :joojintii lacagta la qaadi jiray ee Dib u dhiska waddooyinkaas

sababtune ay tahay in Maxamuud Cabdi kariin Gabeyre uu sadax mar isku dayey in u badalo koontadii lagu shubaayey lacagaha laga qaadayey ganacsatada asaga oo raba inuu marin habaabin ku keeno ujeedeeyinkii loo dhisay guddiga dub u dhiska waddooyinka Gobolka banaadir .

warqadii ugu danbeysay uu soo qorey ee sumadeedu tahay sccci/0184/18 ee ku taariiqeysneyd 13/10/2018 taas uu ku furay akoon cusub oo shaqsi ah uuna rabo in lacagtaa lagu shubo saaxiibadiii horana bedelay la tashi la.aan iyo tii ka horeysay ee Sumadeedu aheyd scci/0058/18 ee la qoray 24/03/18 taas oo iayne fareysa in lacagta lagu shubo akoonno shaqsi ah .

sidaa darteed waxaa wargalineynaa dhammaan ganacsatada in la joojiyey lacagihii loo qaadi jiray dhismaha wadooyinka laga bilaabo taarikhdu marka ay tahay 18/10/2018 maadaama aysan suurta gal aheyn in ay marto meeshii loogu tala galay .

warqada waxaa ku saxiixan guddoomiyaha gudiga dib u dhsika wadooyinka Gobolka banaadir

Cabdulaahi Nuure owdiini

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.