Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka 10-aad ayaa Maanta oo Arbaco ah Waxa ay Xarunta Golaha Shacabka ku yeelanaya Kulankoodii ugu horeeyay ee Kalfadhiga labaad.
Kulanka ayaa Waxa ay Xildhibaanada kaga hadli doonaa qodobo badan oo ay ka mid yihiin kala horeysiinta howlaha horyaalla Baarlamaanka.
Sidoo kale Kulanka waxa ay kaga hadli doonaa sidii Xildhibaanada Baarlamaanka ay ula xisaabtami lahaayeen Hay’addaha kala duwan ee dowladda.
Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka 10-aad ayaa Waxaa lagu wadaa in dhawaan loo soo gudbo Miisaaniyada Dowladda sanadka 2017.
Sidoo kale dhamaadka bishaan ayaa waxaa lagu wadaa in Xildhibaanada ay warbixin ka dhageystaan Guddiga doorashooyinka Qaran ee Soomaaliya.
Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa furitaanka Kalfadhigaan ka codsaday Xildhibaanada in ay si deg deg ah ku ansixiyaan sharciyada muhiimka u ah dalka ee Xukuumada ay usoo gudbin doonto Baarlamaanka.