Home Afsomali Kaluumeysatada Jubbaland oo digniin loo direy

Kaluumeysatada Jubbaland oo digniin loo direy

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga Iyo Kheyraadka Badda Jubbaland Maxamed Cumar Buni ayaa kalluumeysatada Jubbaland uga digay khatarta badda oo xilligaan aad u kacsan.

Wasiir kuxogeenka oo ka qeyb galay Kulan ka dhacay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in Maalmihii la soo dhaafay Xeebaha degaannada Jubbaland ay ku rogmatay Doon, isla markaana hal qof uu ku geeriyooday laba kalena lagu la’yahay.

Waxaa uu sheegay in xilligaan waqti xun lagu jiro loogana baahan yahay kalluumeysatada inay meelo fog fog u aadaan kalluumeeyso, isaga oo uga digay qataraha ka dhalan kara Badda.

Warkan kasoo yeeray Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga Iyo Kheyraadka Badda Jubbaland Maxamed Cumar Buni ayaa kusoo aadaya xilli dabeylo xoogan ay ka socdaan Badda iyo Beriga intaba, isla markaana waxyeelo ay ka dhaln karto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.