Home Afsomali Kenya iyo Ugaandha waxaan soo iibsanay diyaaradihii aan kula dagaalami laheyn Alshabaab

Kenya iyo Ugaandha waxaan soo iibsanay diyaaradihii aan kula dagaalami laheyn Alshabaab

Labada dowladood ee Kenya iyo Ugandha oo ciidamo badan ay ka joogaan Soomaaliya ayaa soo ibsaday dayuurado ay kula dagaalamaan kooxda Al-Shabaab.

Dowladda Mareykanka ayaa 13 Diyaaradood ka iibisay waddamada Kenya iyo Uganda kuwaasoo oo ah nooca loo yaqaan MD-530F, waxaana ay labada dalba kula wareegeen lacag dhan $87.6 Milyan oo dollarka Mareykanka ah.

Dayuuradahan ayaa waxay ku kala sugan yihiin magaalooyinka Paris iyo Amisterdam, halkaasoo ay ku sameynayaan dhoolatus bedqabkooda lagu hubinayo, waxaana ka dib toos loogu wareejin doonaa labada dowladood ee iibsaday.

Saraakiil u kala hadashay dowladaha Ugandha iyo Kenya ayaa sheegay in dayuuradahan ay kula dagaalami doonaan dagaalyahanada Shabaabka ee ku sugan qeybo ka mid ah Somalia iyo Kenya.

Uganda horay waxaa ay Ruushka uga iibsatay lix diyaaradood oo ah nooca SU-30MK, waxaana la filayaa in lagu wareejiyo dhowaan.

Sidoo kale Sanadkii 2012kii Kenya ayaa lix diyaaradood ka iibsatay dalka Mareykanka, waxaan dayuuradahaas qaarkood loo adeegsaday dagaalo ka dhacay gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.