Home Afsomali Kenya oo dacwada badda somaliya ay ku boobeyso lacago ubadeegsaneysa

Kenya oo dacwada badda somaliya ay ku boobeyso lacago ubadeegsaneysa

 

Dowladda Kenya ayaa qaaday tallaabo weyn oo ay ku dooneyso inay Dowladda Soomaaliya kaga adkaato dacwadda Badda ee taalo Maxkamadda Adduunka.

Baarlamaanka Dalka Kenya ayaa waxaa loo gudbiyey miisaaniyad cusub oo loogu talagalay in lagu wajaho kiiska Muranka Dhinaca Badda ah ee kala dhaxeeyo dalka Soomaaliya.

Wasaaradda Maaliyadda Kenya ayaa Todobaadkii la soo dhaafay Baarlamaanka Kenya horgeysay miisaaniyadda cusub ee loogu talagalay qareennada difaacaya Kenya.

Wasaaradda Maalliyadda ayaa Miisaaniyadda loogu talagalay Kiiska Badda ku kordhisay lacag gaareyso illaa  300 Milyan oo lacagta dalka Kenya ah.

Lacagta ay Wasaaradda markii hore u gudbisay Baarlamaank dalkaas ayaa waxay aheyd illaa 1.7 Bilyan oo lacagta Kenya ah, waxayna wasaaradda Maaliyadda hadda gaarsiisay illaa 2 Bilayn ee lacagta Shilinka Kenya.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa ku dooday in Kiiskaan uu u baahan yahay Miisaaniyad dheeri a h maadaama uu mar kale dib u furmayo Bisha September ee soo scoto.

Wasaaradda ayaa Baarlamaanka dalkaas ka codsatay in shuruud la’aan lacagtaas lagu ansixiyo si ay Dowladda Kenya ugu guuleysato dacwadda kala dhaxeyso Soomaaliya oo u muuqato in looga guuleystay.

Dacwadda u dhaxeyso Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya ayaa soo bilowday dhawr sano ka hor kadib markii Dowladda Kenya ay sheegatay dhul badeed ay leedahay Soomaaliya oo gaarayo illaa 100KM2.

Somalia waxay doonaysaa in xuduud-baddeedka la calaamadeeyo, iyado ola waafijinayo xuduudka berriga ee ay labada waddan wadaagaan, balse Kenya waxay doonaysaa in xuduud-baddeedka lagu calaamadeeyo sohdimihii ay Xooggagii Gumeystayaasha sameeyeen.

Dacwadda taalo Maxkamadda Adduunka ayaa la filayaa in go’aankeeda uu soo baxo maalmaha ugu dambeeyo sanadkaan haddii Kenya laga xukmiyana waxay  taas ka dhigan tahay inay weyn doonto qeybo ka mid ah Berriga waana sababta keeneyso inay Kenya lacago tiro badan ku bixiso dacwadaan.

Dowladda Kenya ayaa laga yaabaa inaysan ku qancin go’aanka Maxkamadda Adduunka maadaama ay maalmihii ugu dambeeyey saxaafadda dalkaas baahinayeen in inta badan aysan wadamada qaadan go’aanada ay gaarto Maxkamadda ICJ taasina ay Kenya u fududneyso inay ka hor timaado go’aanka.

Muranka xuduud-baddeedkaasi waxa uu Khilaaf Diplomaasi ka  ka dhex dhaliyey labada Waddan, iyadoo Dowladda Kenya horey u sheegtay inay Somalia u aqoonsan yihiin dal caddow ku ah Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.