Home Afsomali Kenya oo darbiga xaduud beenaadka ugu dhisaneysay si qayaano ah shaqaale...

Kenya oo darbiga xaduud beenaadka ugu dhisaneysay si qayaano ah shaqaale ka soo jeeda Webiga TANA RIVER oo aan wax lacag ah la siin

Saraakiisha Adeegga Dhallinyarada Kenya ee NYS ee loo dadaad-gureeyey si ay u dhisaan Derbiga Ammaanka ee Xuduudka Kenya la wadaagaan Somalia ayaa dalbaday in la siiyo Mushaarkooda oo dhan 350 million oo Shillinka Kenya.

In ka badan 500 shaqaale oo ka soo jeeda Webiga TANA RIVER ayaa sheegtay inaysan wax mushaar ah helin muddo 18-bilood ah.

Shaqaalahaasi oo laga kala keenay Saldhigyo kala duwan si ay u dhisaan Derbigaasi oo ay Dowladda Kenya sheegtay inay kaga hor tagayaan sidii loo joojin lahaa Dagaalamayaasha Alshabaab ee u gudba Xuduudka Kenya, si ay Howlgallo uga fuliyaan.

Sarkaal ka mid ah Shaqaalaha dhisayo Debiga oo codsaday inaan magaciisa la shaacinin ayaa sheegay inuu la yaaban yahay sababaha ay muddada dheer u qaadatay in la siiyo Mushaarkooda, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay Noloshooda khatar u geliyeen si ay u dhisaan Derbigaas.

Waxa kale oo uu xusay inay ka baqanayaan in Lacagta Mushaarkooda la xaday ama la is-daba mariyey.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.