Home Afsomali Kenya oo gudaha dalkeeda ka abuureysa ciidan Macawisley ah oo la dagaalama...

Kenya oo gudaha dalkeeda ka abuureysa ciidan Macawisley ah oo la dagaalama Al-Shabaab

Dowlada Kenya ayaa shaacisay inay waddo qorshe ay shacabka degaannada Waqooyi Bari uga qeyb galinayso dagaalka ay kula jirto al-Shabaab.

Wasaiirka amniga gudaha Kenya, Kithure Kindiki, ayaa sheegay in qaabka dowladda Soomaaliya ay bilihii dambe ula dagaallamaysay al-Shabaab oo ay u adeegsatay dadka deegaanka guulo badan laga gaaray, si lamid ahna ay ku dayan doonaan.

“Xalka ku haboon dhibaatada ka taagan waqooyiga dalka ayaa ah in la wajaho qaabka sida ay Soomaaliya samaysay oo ah in dadka deegaanka ay go’aansadeen in ay iska dulqaadaan Al-Shabaab. Dadyowgaas ayaa ka codsaday dowladda in ay gacan ka siiso la dagaallanka Al-Shabaab, iyaga ayaana hormuud u noqday dagaalka. Waxay ila tahay in jihadaas aan u soconno,” ayuu yiri wasiirka amniga gudaha Kenya, Kithure Kindiki.

Kindiki ayaa sheegay dowladda dhexe ay taageero buuxdo ka haystaan dadka deegaanka iyo maamulkooduba, ayna diyaar u yihiin iney ska celiyaan Al-shabaab

Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inay kooxda al-shabaab ka adkaan doonaan bilaha soo socda iyagoo ka faa’iideysanaya dadka deegaanka.

https://www.facebook.com/profile.php?id=100068358165378

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.