Home Afsomali Kenya oo somalia ku madadaalineyso Diblumaasiyadda Been Abuurka

Kenya oo somalia ku madadaalineyso Diblumaasiyadda Been Abuurka

 

Saddexdii toddobaad ee la soo dhaafay dunidda waxay goobjoog ka ahayd dhacdo been abuur, oo ku bilaabatay in Kenya u yeerato danjiraheedii. Kadibna Nairobi ka soo eriso danjirihii Soomaalida, ayadoo soo daba dhigtay bayaan xanaf leh iyo cagajugleyn ka baxsan maamuuska iyo xurmada deris wanaaga.

Intaba, ujeeddada ay Kenya ka lahayd waxay ahayd: (b) In dunidda la maqalsiiyo dareen aan jirin; (t) In la marin habaabiyo maalgashatada caalamka; (j) In dowladda Soomaaliyeed lagu qasbo wadahadal; iyo (x) In la hor istaago qaraarka laga filayo Maxkamada Caalamka ICJ.

Desember 2014kii, Kenya waxaa u meel maray inay ka hor timaad qaraarkiiMaxkamada Dambiyada Caalamika (International Criminal Court – ICC), kadib markii Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisii William Ruto lagu soo eedeyay ku xad-gudubyada xuquuqda aadanaha.

Tabtaas oo kale, ayaa Xeer Ilaaliyihii hore ee Kenya – Githu Muigai uu damcay in uu ku saabilo maxkamadda – ICJ, asagoo ku andacoonaya inay jiraan laba siyaabood oo aan dawcad ahayn oo Kenya iyo Soomaaliya isla fahmeen in lagu xaliyo xuduud sheegashadda.

Nasiib wanaag, qareen Muna Al-Sharmani iyo kooxdeedii difaaca, oo ka daalay wadahadalo aan meel u socon, ayaa gacanta ku dhufatay, kuna guulaysatay February 2017kii qaraarkii Maxkamada ICJ.

Haatan, Kenya waxay la timid xeelad cusub, waxayna u adeegsatay carqaladeenta danaha Soomaaliya saddex kooxood: (1) Xisbiyada mucaaradka oo dhaleeceyay xaraash aan jirin; (2) Aqalka Sare oo dhexda uga dhacay wax aan la hubin; (3) Jaaliyadda London oo jahawareer kaga hor-timid bandhigii khayraadka dalka.

Baadda (bully) Kenya ma aha wax mufaaja’a ku yimid, ee waa qorsho cilmiyeed si taxadar leh looga soo baarandegay. Falaxgooddinta waxaa u saamaxaya dhowr arrin: (b) Iyadoo isbiday inay xoog u sheegan karto Muqdisho; (t) Iyadoo saameyn ku leh maamulka Jubaland; iyo (j) Iyadoo aaminsan in Soomaaliya ay taal mansab diblomaasiyadeed oo daciif ah.

Madaxtooyadda Kenya qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitterka February 21, 2019 ayaa ka dhawaajiyay in Madaxweyne Kenyatta iyo Golahiisa isku raaceen xeelado kala duwan oo dib u dhac loogu ridayo dacwada Maxkamadda ICJ, lehna jadwal muddaysan (Sebteember 2019). Sidoo kale, Wasiiradda Arrimaha Dibedda – Dr Juma ayaa shaacisay in baarlamaanka Kenya uu u qoondeyay, hirgelinta qorshahaas, dhaqaale waafi ah.

Danjire Sharmaan wareysigiisii ayuu ku yiri “Kenya waa jaha werarty, waxaana ka suurtowda wax kasta inay ku kacdo (Jamhuriyadda – 02/27/2019).” Kenya waxay aaminsan tahay in khayraadka badda weligeedba cudud lagu wadaagi jiray. Fartiintaas waxaa xambaarsan, dalabka dib u soo celinta xiriirka diblomaasiyadda inuu ku xiran yahay “in Soomaaliya ay dib uga laabato kiiskeeda Maxkamadda ICJ.”

Si kastaba ha ahaate, xeeladaha noocaan oo kale ah, waa middi labada dhinac wax u goysa. Professor Amukowa Anangwe oo ka mid ah khubarada dowladda Kenya ayaa “Sunday Nation” u sheegay, in xirmooyinka ay Kenya ka iibisay shirkaddaha shidaalka baara ay suurtagal tahay inay noqdaan biyaha Soomaaliya. Aragtidaas, waxay waafaqsan tahay qaanuunka xuduudaha baddaha caalamka oo ah midka Soomaalida ay ku doodayso, Kenyana ay diidan tahay.

Haddaba, haddii Kenya shalay ay diidanayd wadahal niyadsami ah, maantana ayadaa u xusulduubeysa war aan meesha ool (xal khasab ah), guddoonka ummadda Soomaaliyeed waa kolka hore, “Maxkamadda ha soo xukunto.” Casharka muhiimka ahi waa sida ku qeexan xigmadda muqadaska ah, “Qofna [mu’min] laba jeer hal god lagama qaniino.”

Hase yeeshee sua’asha is weydiinta mudan ayaa ah, Soomaaliya ma looga faa’iidaysan karaa xaalada ay ku jirto?

Dhaqaalaha iyo siyaasadda waa labo arrin oo muhiim u ah in dal midnamadiisa dhuleed la ilaaliyo! Inkastoo dadka Soomaaliyeed leeyihiin dareen wadan jacayl ah, haddana xilli kasta waxaa jira, amase jiri doona kuwo loo adeegsado danaha shisheeyaha ka lee yihiin dalkaas. Walow, waqtigan ay adduunyada noqotay sidii hal magaalo, ay adag tahay in ay fursad helaan shaqsiyaadka la adeegsado, haddana oraah Soomaaliyeed ayaa leh, “Gudinay haddii uusan gabalkayga kuugu jirin imaad goyseen.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.