Home Afsomali Kenya waxaan joojinay ilaa 4 ceel oo shidaal aan ka qodaneyney Biyaha...

Kenya waxaan joojinay ilaa 4 ceel oo shidaal aan ka qodaneyney Biyaha soomaaliya

ceel-shidal

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay joojisay shidaal baaris ay ka waday Biyaha ay ku muransan yihiin Soomaaliya iyo Kenya.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dowladda Kenya ayaa sheegay in guud ahaan Dowladda Kenya ay hakisay shidaal baaris ay ka waday Biyaha ay ku muransan yihiin Soomaaliya iyo Kenya, si kalsooni buuxda loo siiyo Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dowladda Kenya ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in ku dhowaad 4 Ceel oo shidaal baaris ah oo Dowladda Kenya ay ka waday Badda ay ku muransan yihiin Soomaaliya iyo Kenya, sababo la xiriira hadal ka soo baxay Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ.

Dowladda Kenya ayaa sidoo kale waxa ay sheegtay in muhiim ay tahay in la tixgeliyo hadalada ka soo baxay Maxkamadda Cadaaladda Caalamiga ah ee ICJ ee ku taalla Magaalada Hague.

 

Kenyanka ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in Dowladda kenya iyo Soomaaliya ay muhiim tahay in ay si gaar ah uga wada hadlaan arrimaha Badda.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.