Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in sacaadahii lasoo dhaafay diyaaradaha dagaalka ee dowladda Kenya iney duqeymo culus ka geysteen deegaanka Ceel cadde ee gobolkaas.
Duqeymaha diyaaradaha dowladda Kenya ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku geeriyooday laba ruux oo shacab ah oo magacyadooda lagu kala sheegay Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Cabdullaahi iyo nin magaciisa lagu soo koobay Miskiinow.
Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amaanka maamulka gobolka Gedo oo ku aadan duqeynta diyaaradaha dowladda Kenya ay ku dileen dadka Shacabka ah.
Ma ahan markii ugu horeysay oo diyaaradaha Kenya ay duqeymo noocaan oo kale ah ay ka geystaan deegaano ka tirsan gobolka Gedo, waxaana xusid mudan in horay tiro dhowr jeer ah ay duqeymo kaga geysteen deegaano ka tirsan gobolkaas ayna ku dhinteen dad shacab ah iyo xoolo farabadan