Home Afsomali Khasaaraha ka dhashay dagaalkii ka dhacay degaanka Baxdo oo kordhay & wararkii...

Khasaaraha ka dhashay dagaalkii ka dhacay degaanka Baxdo oo kordhay & wararkii ugu dambeeyay

Waxaa faah faahino dheeraad ah ay kasoo baxayaan weerar qaraxyo ku bilaawday oo xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ay saaka waaberihii hore ku qaadeen degaanka Baxdo oo 90km dhinaca Bari uga beegan Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Weerarka ayaa waxaa xigay dagaal toos ahaa oo dhex-maray Ciidamada xoogaga Ahlusunna iyo maleeshiyaad degaanka ah iyo Al-Shabaab, kaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in dagaalka ay kusoo biireen Ciidamo katirsan daraawiishta Maamulka Galmudug, waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in Al-Shabaab laga saaray degaanka Baxdo oo saakay ay galeen.

Xildhibaano katirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Siyaasiyiin kasoo jeeda degaannada Galmudug ayaa dadka degaanka Baxdo ku bogaadiyay sida ay isaga difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.