Dagaal u dhaxeeyay laba maleeshiyo Beeleed ayaa Maanta waxaa uu ka dhacay degaanka Baalle oo u dhow degaanka Dhagax-dheer oo hoosyimaada Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho & dhaawac ah.
Maleeshiyaadka dagaalamay ayaa isku heysta dhul ku yaalla halkaas, waxaana dagaalka ku geeriyooday hal ruux halka laba kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo dhammaantood ah dhinacyadii dagaalamay.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in colaada labada maleeshiyo beeleed ay tahay mid in muddo ah soo jiitameysay, Isla markaana dhowr jeer sidaan oo kale ay dagaalameen, sidoo kale ay siyaabo kala duwan dad isaga dileen.
Maamulada degmooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado ayaan weli ku bixin goobaha ay dagaalada ka dhaceen oo dadka degan badi ay yihiin dad Xoolo dhaqato ah.
Degaano iyo degmooyin katirsan Maamulka Galmudug ayaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxaa ku batay colaad beeleedyada, iyada oo Madaxda Maamulka Galmudug ay kaga mashquuleen arrimo kale.