Qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu aaso oo meelaha fogfog laga hago ayaa duleedka demada Matabaan laula eegtay Gaari uu leeyahay Xildhibaan Mursal Xeefoow oo katirsan Baarlamaanka Xeefoow, waxaana saarnaa mas’uuliyiin katirsan Maamulka degmada Matabaan.
Gaariga ayaa waxaa la sheegay in uu ka yimid dhinaca degaanka Qabno oo Maanta ay la wareegeen ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya, waxaana ka dhashay qaraxa khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Wararka la helay ayaa sheegayaan in qaraxa ay ku dhinteenagaasimhii maaliyadda degamada Matabaan Cabdullhaai Cumar Xaashi (Indha Biriq) iyo darawalkiisa oo qaraxa lala beegsaday, balse gaariga uusan saarneyn Xildhibaan Mursal Xeefoow.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya halka uu qaraxa ka dhacay ayaa sheegaya in xaaladda hadda ay tahay mid degan, hayeeshee Ciidamada dowladda ay halkaasi ka wadaan howlgallo kala duwan.