Home Afsomali Kheyre Mowqiifka Dowladda waa islaxisaabtan iyo Dagaal ka dhan ah Musuqa.

Kheyre Mowqiifka Dowladda waa islaxisaabtan iyo Dagaal ka dhan ah Musuqa.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa Maqaal uu ku qoray Wargeeyska Daily nation ee Kenya laga leyahay waxa uu uga hadlay arrimo quseeya xaaladda Amaanka ee Soomaaliya, horumarka Dowladdu Sameeysay iyo Isbadalada ka hirgalay geeska Africa.

Maqaalka waxaa Ciwaan u ah “Dabeysha Isbadalka ee Geeska Africa ayaa Soomaaliya ganacsi u furtay”.

Ra’iisul wasaaraha ayaa shegay in cafiskii dhawaan Dowladiisu sameeysay uu horseday in ay isi soo dhiibaan “Hogaamiyeyaasha kooxaha argagixisadda” kuwas oo ka qayb qaadanaya dhismaha Qaranka.

“Maalmo ka hor Eritrea iyo Jabuuti ayaa ku heshiiyay hagaajinta xiriirkooda, taasi oo cutub cusub ufureeysa xiriirkii xumaa.

Taasi waxaa ay lasocotay guul kale oo ah kulankii Magaaladda Asmara ay isugu yimaadeen Hogamiyeyaasha Soomaaliya, Ethiopia iyo Eritrea, iyagoo doonaya in ay Nabadda xajiyaan.

Kulanku waxaa uu muujinaayaa in xalka Soomaaliya uu nabad iyo salinooni u horseedayo gobolka. Hogaamiyeyaashu waxay ku Heshiiyeen in laga tilaabsado Khilaafkii mudadda soo jiitamay.

Tan iyo markii Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Anigu aan qabanay Xafiiska, Dowladdu waxay sameeysay horumar weyn oo dalka gudihiisa iyo Dibadaba ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladeena Axmed Ciise Cawad ayaa garwadeen ka ah wada hadaladda lagu dhameyneynayo muranka Xuduudda ee u dhexeeya Eritrea iyo Jabuuti, ayuu Qoray Ra’iisul wasaare khayre.

Wada xaajoodka Nabadda

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf iyo dhigiisa Eritrea Cusmaan Saalax ayaa u mahadceliyay Dadaalka Soomaaliya.

Tobanaansano labadda wadan waxay ku muransanaayen Gobolka Dumeeyra, isku dayo dhowr ah oo la doonayay in cadaawadooda lagu dhameeyo ayaa khasaaray. 2010 kii Dowladda Qadar ayaa sameeysay Dadaalo bogadin mudan si nabadda loo adkeeyo.

Isbadaladii dhawaan dhacay waxaa ay qayb ka yihiin Tilaabooyin Dublamaasiyadeed oo Soomaaliya ay qaaday, ayuu Xasan Cali khaire ku sheegay Maqaalka uu ku qoray Daily Nation.

Laba Bilood ka hor, Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa la xiriiray Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed waxayna adkeyeen iskaashiga siyaadeed, sidoo kale waxay dhidibadda u adkeeyeen Xiriirka Labada Dal.

Wada hadaladii Asmara waxay dhigeen aasaas cusub oo Dublamaasiyadeed. Soomaaliya waxay si soo kordheysa u qadaneeysaa doorkeedii.

Waxaan Dadaal muhim ah galineeynaa in aan door muhiim ah ka ciyaarno Nabadda iyo Amaanka Dunidda, ayuu sidoo kale Qoray ra’iisul was are khayre.

Amaanka

“Soomaaliya waxay qabandoontaa Gudoonka Golaha Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Carabta taasi oo noo ogolaaneeysa in aan kulanka golaha ku marti galinno Muqdisho 2019, si aan Aduunka u ogeeysiino in aan ganacsi diyaa u nahay.

Dowladeednu waxay Dooneeysaa in ay la qabsato Dabeeysha Isbadalka ah ee Geeska Africa si ay u horumariso Amaanka caawimaadna uga geeysato in Xal loo helo mashaakilka Africa.

Intii aan Asmaro joognay waxaan muujinay jihadda aan u jeedineeyno Dublamaasiyadeena inagoo ah wadan nabdoon oo gobal xasiloon ku yaala”.

Agagixisadda

Dowladdeenu waxay ku dhawaaqday Cafis, kaasi oo lagu arkay in Hogaamiyeyaasha Argagixisadda ay nagu soo biireen si aan u dhisno Qaranka. Qurbo joogta ayaa maalgalin muhiim ah sameeyay.

Dowlad shaqayneeysa ayaan leenahay Waxaan mushaarka siinaa Shaqaalaha rayidka ah iyo Ciidankeena Amaanka si aan ugu dhiiri galinno in ay aad u shaqeeyaan.

Waxaan sidoo kale soo celinay xiriirkii Wanaagsanaa ee Dunida aan la lahayn. IMF-ta ayaa soo dhaweeynsay Isbadaladda kobcinta dhaqaalaheenna.

Rubacii hore ee 2018 Dowladdu waxay soo aruurisay dhaqli dhan $42.5 million, oo ah tii ugu badneyd. Waxaan ku joognaa wadadii deeynta nalookaga cafin lahaa.

Erey-ilaaleedka Dowladda waa islaxisaabtan iyo Dagaal ka dhan ah Musuqa.

Soomaaliya waxay joogtaa meel ay khayradkeeda uga faa’iideeyneyso Dadkeeda.

Sidaas ayuu u qorna maqaalka Ra’iisul wasaare khayre ku daabacay Daily Nation ee ku saabsanaa Xaladda Soomaaliya iyo Isbadaladda Geeska Africa ka hirgalay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.