Home Afsomali Khilaaf hareeyey Madaxda Madasha Wada-tashiga Qaran iyo Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka Dadban

Khilaaf hareeyey Madaxda Madasha Wada-tashiga Qaran iyo Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka Dadban

Madaxda Madasha Wada-tashiga Qaran ayaa diiday go’aankii Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka ku laaleen 11-kursi oo ka mid ahaa kuraasta aqalka Hoose ee dhowaan lagu soo doortay shanta xarumood ee maamul goboleedyada.

Ilo lagu kalsoonaan karo oo ku dhow dhow kulanka ayaa sheegaya in Madaxda Madasha oo tan iyo jimcihii shir ku lahaa Madaxtooyada ayaa go’aanka kaliya ee ay isku raaceen uu yahay arrinta 11-ka kursi ee ay laaleen Guddiga xalinta khilaafaadka ee doorashooyinka.

Arrinta hadal heynta ah ayaa ahaa in Madaxda Madasha oo horay u sameeyay labada Guddi ee xalinta khilaafaadka iyo Guddiga doorashooyinka in go’aan ay soo saareen inay hadana qaadacaan.

Madaxda Madasha ayaa wali madaxa iskula jira, waxaana aysan wali xal ka gaarin arrimo dhowr ah sida waxa laga yeelay xubnaha Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi ama Somaliland oo wali aan la dooran is qab qabsi iyo muran ka yimid awgeed dib loogu dhigay.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in caawa loo fadhiyo arrinta Aqalka sare ee Somaliland, gaar ahaan labada kursi ee ka imaanaya Gobolada Sool iyo Sanaag, waxaana Puntland ay dooneysa sad-bursi ku aadan sidii labada xubnood ay u qaadan laheyd.

Wararka ayaa intaa ku daraya in haatan si horu dhac loogu heshiiyay in labada xubnood mid la siiyo Puntland, halka midka kalena sidiisa loogu daayo inuu ka soo galo Gobolada waqooyi.

Madasha ayaa la filayaa in berri ay si kama dambeys ah u soo saaraan war murtiyeed, iyadoo doorashada ay fooda geli doonto horaanta sanadka cusub, maadaama waqtigii horay loo shaaciyay aanay waxba ku qabsoomi karin, kaddib dib u dhacyo ku yimid dhaarintii Xildhibaanada iyo doorashadii Guddoonka Baarlamaanka oo ku asteysneyd 22-ka bishan oo maalin qura ay naga xigto.

Dhanka youtube ka linkiga hoose 

https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0p

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.