Home Afsomali Khilaaf ka dhex billaawday Madaxweyne Deni & Ururada Siyaasadda Puntland

Khilaaf ka dhex billaawday Madaxweyne Deni & Ururada Siyaasadda Puntland

Kulan ay Garoowe ku yesheen inta badan ururada Siysadadda ee Puntland iyo Madaxweynaha Puntland ayaa isla qaatay qaar ka mid ah qodobo ay horey u soo gudbiyeen Ururada isku diiwaan galiyay Siyaasadda Puntland.

Geesta kalena Qaar kamid ah ururadii aan ka qaybgelin kullanka ayaa warmurtiyeed ay soo saareen xalay ku eedeyay Madaxweynaha Puntland in uu ka weecday Dhabbihii hanaanka siyaasadeed ee Puntland sidoo kalana uu kala qaybiyay Urarada Siysadda.

Waxaa ay hadalkooda intaasi kudareen in Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni uu doonayo in uu sameysto mydso kororsi sidoo kalena uu kala qeybinayo Ururada Siyaasadda Puntland ,isla markaana aysan aqbaleyn.

Waxaa ay ku eedeeyeen Guddiga doorashooyinka Puntland in aysan aheyn kuwo dhex-dhexaad ah, waxaana jirtay in Maalmihii la soo dhaafay uu Madaxweynaha Puntland waday qorsho uu ku kala fur furayo Ururada Siyaasadda Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.