Home Afsomali Khilaaf ma jiro Waa been ee saxiibtinimadooda ayaa sii kordheyso Farjaamo...

Khilaaf ma jiro Waa been ee saxiibtinimadooda ayaa sii kordheyso Farjaamo iyo Kheyre

warar xaqiiqo  oo ay somalisan  ka soo xigatay ilo ku dhow dhow Madaxtooyada Villa Somaliya isla maraana lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in aanu jirin haba yaraatee wax is qoonsi ah ama khilaaf ah oo ku dhaxeya Madaxweyne Farmajo iyo Raiisal wasaare Xasan Cali kheyre

waxaaana xuuraansiga intii aan ku jirey lagu beeniyey in uu jiro wax khilaaf ah oo ka dhaxeeyo isla markaana been iyo waxba kama jiraan tahay khilaafka lagu qorey Baraha Bulshada iyo qaar kamid ah websiteyada ku hadla Afka Soomaaliga

xubno ka tiran xafiisyada Madaxweynaha iyo Raiisal wasaaraha ayaa somalisan u xaqiijiyey in maalinba maalintta ka danbeysa uu sii siyayado kalsooniyda iyo wada shaqeynta ka dhaxeyso labada masuul waxayna intaa ku dareen in ay is aaminsan yihiin ayna si isku mid ah u arkaan gudashada shaqada ka dhaxeyso.

tan iyo markii ay  labada masuul shaqadoodu isla jaanqaaday ayaa waxa laga dareemayaa in ay qabteen howlo aad muhiim u ah oo aan lagu qaban karin mudadii ay xilka hayen waxayna ku guuleysteen arimo badan oo dan u ah dalka iyo dadka soomaaliyeed taasi ayaana keenta in laga beensheego saaxiibtinimada ka dhaxeyso Madaxweynha iyo raiisal wasaaraha dalka

websiteyada qarkood ayaa qorey inay labada Mas’uul isku qabteen xil ka qaadistii lagu sameeyey Taliye xigeenadii Nabadsugidda iyo xilal kale oo dad Mas’uuliyiin ah laga qaaday.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa horey u ballan qaaday inaysan is khilaafi doonin isaga iyo Ra’isulwasaaraha uu magacaabo, wuxuuna Kheyre ku tilmaamay inuu yahay nin shaqadiisa kasoo bixi karo dalkana anfici karo.

nabad ku waara Nolo iyo Nabad

 

https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/featured

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.