Dhawaan waxaa soo shaac baxay khilaaf salka ku haaya awooda maamulka dalka oo u dhaxeeya Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.
Khilaafkaas oo aan la saadaalin karin halka uu ku dambeyn doono ayaa waxaa la sheegay in uu kala qeybiyay dowlad Goboleedyada dalka kajira, kadib markii Go’anka uu qaatay Ra’iisul Wasaare Rooble kuwana taageereen kuwana ka aamuseen.