Home Afsomali Khillfkii ka dhacay Cadaado oo si nabad ah loo xaliyey

Khillfkii ka dhacay Cadaado oo si nabad ah loo xaliyey

Wararkii ugu dambeeyay oon ka helnay magaalada Cadaado ee xarunta Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa sheegaya in xaalada magaaladaasi ay tahay xiligan mid dagan oo wax dhibaato ah aysan ka jirin.

Caawa Fiidkii ayaa lagu soo waramay Ciidamo hubeesan uu watay Wasiirka Maaliyada Maamulka Galmudug Saciid Siyaad Shirwac in ay xoog ku galeen xarunta Madaxtooyada, waxaana halkaasi ka dhashay xiisad markii dambe la xaliyay.

Waxgaradka magaalada Cadaado ayaa la sheegay in ay kala dhax galeen ciidamada uu watay Wasiirka iyo Ciidamada maamulka degmada , waxgaradka ayaana ku guuleestay in ay ka hortagaan in ay isku dhacaan labada ciidan.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug oo la hadlay saxaafada ayaa beeniyay in Cadaado caawa uu ka dhacay dagaal , waxa uuna warkaasi ku tilmaamay mid been abuur ah oo magaalada lagu khal khal galinayo.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha Baarlamaanka in uu hada joogo magaalada Cadaado xaalada ayna tahay mid degan oo dhibaato aysan ka jirin, waxa uuna uga digay dadka been faafinaya in aysan umada jahwareerin colaadna abuurin.

Xiisada Caawa laga dareemay magaalada Cadaado ayaa timid kadib markii Wasiirka Maaliyada Galmudug oo taageero ka heesta Madaxweyne Xaaf uu xirtay xarunta Madaxtooyada sidoo kale caawa xoog ku galeen ciidamo ka amar qaata.

Magaalada Cadaado oo kamid ah magaalooyinka ugu nabdoon ee Soomaaliya ayaa xiligan waxa ay xarun u tahay Baarlamaanka maamulka Galmudug, waxaana xaruntaasi ku shaqeeya Madaxweyne kuxigeenka Galmudug iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka oo hada khilaaf kala dhaxeeyo Madaxweynaha Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.