Home Afsomali Khiyaano Guud ha ku dhicina Xildhibaano: Doorashada Madaxweynaha cusub ka hor Xadiith-kaan...

Khiyaano Guud ha ku dhicina Xildhibaano: Doorashada Madaxweynaha cusub ka hor Xadiith-kaan akhriya, fahma oo ku dhaqma.

doorashada-2016-dadka-mise--300x260

Nabigeena Suuban Muxamed (SCW) wuxuu yiri “qofkii loo dhiibo talada muslimiinta, dabadeedna u doorta mid looga haboonyahay masuuliyada, wuxuu khayaanay ilaahay iyo rasuulkiisa iyo Mu’miniinta”.

Xildhibaanada Baarlamaanka cusub waxaan ugu naseexayn lahaa inay akhriyaan, fahmaan kuna dhaqmaan xadiith-kaan oo aysan Shacabka Soomaaliyed ee dhiban u doorin Madaxweyne aan u qalmin Madaxtinimada dalka Soomaaliya. Sidii dhacday sanadkii 2012-ka oo dowladii la doortay la wada arkay sida ay ugu fashilantay talada iyo hoggaaminta dalka Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan doorashadii dhacday sanadkii 2012-ka in ay ka qeybgaleen Murashixiin leh Amaano, Aqoon iyo khibrad dheer balse aysan xildhibaanadu xulashadooda Madaxweyne ku qiimeyn sifooyinkaas. Soo lama oran karo hadii ay xildhibaanadu ku dhaqmi lahaayen xadiith-kaan oo aysan dano ama maslaxad kale fiirin lahayn, oo ay dadka iyo dalka uu xuli lahaayen Murashax Madaxweyne oo leh karti, Aqoon iyo Amaano in maanta xaalka dadka iyo dalka Soomaaliyed mesha uu hada joogo meel ka wanaagsan gaari lahaa.

Xildhibaano ka fakara dunuubta ay ka midka yihiin Hanti lunsashada, Eexda cadaalad darada iyo Musuq-maasuqa uu la imaado qofka aad u doorataan Madaxweyne inaad qeyb ku leedihiin gaar ahaan hadii aad Laalush kala qaadateen oo aad sidaa ku doorateen Madaxweynaha. Sidoo kale hadii aad doorataan Madaxweyne wanaagsan guusha uu keeno qeyb ayaad ku leedihiin, waxayna sharaf iyo wanaag u tahay idinka iyo shacabka aad meteshaan, sidaas ayaana Aduun iyo Aakhiraba idiin fiican.

Hadaba baarlamaanka cusub soo ma haysato khiyaanada nabigeena ka digay hadeysan ka fiirsan Murashaxa ay Masuuliyada culus ee Madaxweyne u xulanayaan. Soo ma aynu aragno xildhibaano badan oo doorashada madaxweynayaasha ku xeeriya dhaqaale, qabyaalad ama maslaxad kale oo aan ku qiimeyn qofka loo dooranayo Madaxweynaha Aqoon, Karti, Amaano, Daacadnimo iyo Cadaalad. Doorashada Madaxweyne waa fursad ay la socoto Masuuliyad aad u culus, gaar ahaan dalka Soomaaliya oo ay la dageen colaado raagay, Amni daro, saboolnimo baahsan, dowald xumo iyo Musuq-maasuq. Xildhibaano Masuuliyada idin ka saaran shacabka Soomaaliyed maanta ha dayicina, si aydaan u shalaayin barito, khaladka aad maanta ka gashaan dadka iyo dalka Soomaaliya ma sixi kartaan 4-ta sano ee socota, hada ayaad fursad qaali ah haysataan.

Waxaa sidoo kale laga rabaa Madaxweynaha cusub inuu doorto Ra’iisul Wasaare u qalma Masuuliyada loo dhiibayo, Ra’iisul Wasaarahana uu Magacaabo Wasiiro u qalma xilka loo magacaabayo, iyaguna ay xushaan shaqaale lagu xushay Aqoontooda iyo karti, hadii aan sidaa la yeelin waxaa lagu dhacayaa khiyaano guud, oo cadaalad darada ka dhalataa aysan dadka iyo dalka u wanaagsanayn.
Alle ummadda Soomaaliyed dhibka iyo dowlad xumada ha ka saaro, Madax Aqoon, karti, Amaano, daacadnimo iyo Cadaalad lehna talada ha ugu dhiibo. Aamiin.

Tixgelin,

W/D. Ahmed Nuur Arlaadi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.