Home Afsomali Kim Jong Un Oo Shaaciyay Inuu Yeelanayo Quwada Ugu Weyn Ee Nukliyeerka...

Kim Jong Un Oo Shaaciyay Inuu Yeelanayo Quwada Ugu Weyn Ee Nukliyeerka Caalamka

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa sheegay in hadafkiisa ugu dambeeya uu yahay in uu yeesho quwada ugu weyn ee Nukliyeerka caalamka, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Hadalka Kim ayaa yimid xili uu ku guda jiray munaasabad uu ku dalacsiinayay saraakiil ciidan ah oo ka qeyb qaatay tijaabinta gantaalkii ugu weynaa ee taariikhda dalkaasi soo mara.

Hadalladan ayaa sidoo kale imaanaya wax ka yar laba toddobaad ka dib markii hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi uu ka qayb galay tijaabada gantaalka ballistic-ga ee nooca Hwasong-17.

Waxaa uu sidoo kale xilligaasi ballan-qaaday inuu ka hortagi doono hanjabaadaha Nukliyeerka ee Maraykanka isga oo isticmaalaya hubka nukliyeerka.

Kim waxa uu sheegay intii ay socotay xafladda dalacsiinta saraakiisha ciidamada in dhismaha awoodda Nukliyeerka looga gol leeyahay in lagu ilaaliyo sharafta iyo madaxbannaanida dalka iyo dadka. Kuuriyada Waqooyi ayaa tijaabisay tiradii ugu badneyd ee gantaallada dabayaaqadii October iyo horraantii Novembar ee sanadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.