Home Afsomali Koox bastoolad ley dil ka geystay Dagmada Xamar jajab oo Bolice ku...

Koox bastoolad ley dil ka geystay Dagmada Xamar jajab oo Bolice ku gacanta ku dhigeen

Ciidamada Amniga ayaa Caawa Degmada Xamar-jajab ee Gobolka Banaadir ku qabtay Labo Nin oo Bastoolado ku Hubeysnaa iyo Gaari ay wateen,kuwaas oo Nin shacab ah ku dilay Buundada Asalooti Ee Degmada Xamar-jajab Hoosteeda.

Guddoomiyaha Degmada Xamar-jajab Axmed Cismaan Dhoore ayaa sheegay in Ciidamada Ammaanka ay Gacanta ku dhigeen Ganac ku dhiigleyaasha Dilka Caawa ka geystay Degmada oo Bastoolado watay iyo sidoo kale Gaari ay wateen haddana ay ku jiraan Gacanta Ciidamada Amniga.

Guddoomiyaha degmada Xamar jajab Axmed Cismaan Dhoore ayaa warbaahinta u sheegay in labadii ragga dilka geysatay iyo gaarigii ay wateen gacanta lagu soo dhigay xili ay isku dayayeen in ay baxsadaan ka dib howlgal ay sameeyeen ciidamada amaanka.

Guddoomiyaha degmada ayaa intaa ku darray in raggan la qabtay lagu wareejin doono laamaha danbi baarista dowladda Soomaaliya.

Ninka shacabka ah ee la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Axmed Cali oo la sheegay in uu u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray rasaasta lagu weeraray, waxaana sidoo kale la gaariyooday qof kale oo ay wada socdeen.

 Dillka ayaa ka dhacay Buundada Hoosteeda,waxaana hadda la sheegay in Labada Nin ee Dilka geysatay lagu hayo Xarunta CID.

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.