Home Afsomali Koox hubaysan oo toogasho ku dilay Cismaan Cilmi Boqore Ku xigeenka...

Koox hubaysan oo toogasho ku dilay Cismaan Cilmi Boqore Ku xigeenka Afhayeenkii hore ee baarlamaanka haatana ahaa Xildihaan ka tirsan Baarlamanka Somalia

Kooxo hubeysan ayaa goor dhow waxay degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ku dileen Xildihaan ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamanka Soomaaliya.

Allaha u naxariistee Xildhibaanka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cismaan Cilmi Boqore oo mar soo noqday guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha shacabka.

Goob-joogayaal ah sheegay in dilka uu ka dhacay agagaarka hoygiisa oo ku yaalla  degmada Kaaraan.

Ciidamo ka tirsan Booliska ayaa gaaray goobtaas, iyagoo qaaday meydka Xildhibaanka, waxaa ayna  warar aan la xaqiijina ay sheegayaan in la qabtay dableyda dilkaas fulisay.

Boqore ayaa ka mid ahaa xildhibaanada ku jira Xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

laamaha amaanka dowlada Somalia ayaan weli ka hadlin dilkan, waxaana Boqore uu noqonayaa xildhibaankii ugu horeeyey ee sanadkan 2019 lagu dilo magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.