Home Afsomali Kooxaha iskuhaya Sudaan oo ku heshiiyay xabad joojin

Kooxaha iskuhaya Sudaan oo ku heshiiyay xabad joojin

Cidamada Suudan iyo kuwa RSF ayaa ku heshiiyay xabbad joojin ku meel gaar ah oo laga sameeyo Suudaan, iyadoo dagaalka u dhexeeya labadan kooxood uu galay todobaadkii lixaad.

Isku daygii hore ee xabbad joojinta ee dhex maray ciidamada caadiga ah ee Suudaan iyo xoogaga Taakulaynta degdega ah (RSF) ayaa horay u guuldareystay.

Laakiin heshiiska cusub waxaa lagu dhaqan gelin doonaa “habka la socodka xabbad joojinta,” sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Mareykanka iyo Sacuudiga.

Mas’uuliyiinta Suudaan waxay isku raaceen in dib loo soo celiyo adeegyadii muhiimka ahaa Mudadad 7 maalmood ah ee ay xabad joojinta socoto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.