Home Afsomali Kooxda Kubada cagta ee Arsinaal oo dayactir ku sameynayso garoomo ku yaal...

Kooxda Kubada cagta ee Arsinaal oo dayactir ku sameynayso garoomo ku yaal dalka Soomaaliya iyo kuwo kale

Arsenal

Naadiga Arsenal qeybteeda horumarinta ayaa ugu deeqeysa lacag dhan 1million oo pound garoomo ku yaal dalka Soomaaliya,Jordan iyo magaalada London iyadoo lacagtaana ay tahay mid laga ururinayo kulan Sabtida ay wada ciyaarayaan ciyaartoyda cuslaatay ee naadiyada Arsenal iyo Milan Glorie.

Ciyaartoyda Arsenal ayaa waxaa u safan doonaa Robert Pires,David Seaman iyo Kanu halka sidoo kale Paolo Maldini,Zyonomir Boban iyo Christian Vieri iyadoo ciyaartana ay ka dhici doonto garoonka Emirates, waxaana la filayaa in ay u soo daawasho tagaan dad gaaraya 60,000 oo ruux.

Lacagta laga helo kulankan ayaa lagu maalgelin doonaa shan garoon oo dalka Jordan iyo labo garoon oo dalka Soomaaliya laga dhisayo. Sidoo kale mujtamaca ku nool Islington iyo agagaarkeeda ayaa heli doona lacag kale.

“Waa muhiim in kubbada cagta iyo kooxda sida Arsenal oo kale ah ay dunida ka sameeyaan isbedel.”ayuu yiri Ivan Gazidis oo ah madaxa kooxda Arsenal.

Garoomada lagu caawinayo lacagtan ee ku yaal dalalka Jordan iyo Somaliya ayaa la rajaynayaa in carruur qaxooti ah ay ka faa’ideysan doonaan.

“Waxaan u direynaa fariin ah in Arsenal ay ka fekereyso carruurta waxaana aan rajaynaynaa in arintan ay noqon karto mid niyada u dhista isla markaana rajo gelisa carruurta.”

2 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.