Home Afsomali Kooxda TPLF oo dalbatay shuruudo cusub kadib heshiiskii ay la gashay Itoobiya

Kooxda TPLF oo dalbatay shuruudo cusub kadib heshiiskii ay la gashay Itoobiya

Muddo 12 maalmood ah ayaa laga joogaa markii magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika ay heshiis nabadeed ku kala saxiixdeen mas’uuliyiin ka kala socday dowladda Federaalka Itoobiya iyo xoogagga TPLF oo dagaalo xoogan uu ku dhexmaray meelo kamid ah Waqooyiga Itoobiya.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in xoogagga TPLF ay dalbadeen in meesha laga saaro qaar kamid ah qodobadii lagu heshiiyay si uu u dhaqan galo heshiiska, waxana qodobada ay dalbadeen in meesha laga saaro kamid ah.

  1. In la Joojiyo in loogu yeero dagaalyahanada TPLF, laakiin Tigreega hubaysan loogu yeero.
  2. In la buriyo oo meesha laga saaro Qodobka ah in dowlad ku meel gaar ah laga dhiso Tigray.

TPLF waxay sheegtay inay tahay Xisbi Siyaasadeed oo aan  lahayn wax ciidan ah Balse Ciidamada Dagaalamaya ay yahiin Dagaal-yahano Tigray ah oo dadkooda Difaacaya.

Shuruudahaan cusub oo ay soo bandhigeen xoogagga TPLF ee ka tagaalama Gobolka Tigreega ee dalka Itoobiya ayaa ah kuwo fashilin kara heshiiskii nabadeed oo ay kala saxiixdeen Dowladda Federaalka Itoobiya & xoogagga TPLF.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.