Home Afsomali Kooxo hubeysan oo ka dhex dagaallantay hoteel ku yaalla Muqdisho

Kooxo hubeysan oo ka dhex dagaallantay hoteel ku yaalla Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa  kasoo baxaya qaraxyo loo adeegsaday gawaari laga soo buuxiyay waxyaabaha oo caawa ka dhacay meel ku dhow Isgoyska KM-4 ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxyada ka dib kooxo hubeysan ayaa la sheegay in ay gudaha u galeen hotelka Xayaat.

Alshabasbkii hoteelka weeraray ayaa la sheegay in ay ka dhex dagaalameen gudaha.

Qaraxyada ayaa la sheegay in dhammaantood ay ahaayeen Ismiidaamin.

Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa aaga oo dhan isku gadaamay, waxaana ay dagaal kula jiraan kooxihii hoteelka galay.

illaa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxyadii Caawa ka dhacay Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.