Waxaa Xaafada Carafaad ee Degmada Yaqshiid lagu dilay nin Nabadoon ahaa oo si weyn looga yaqaanay degmadaasi, waxaana dilkan fuliyay kooxo hubeesan oon wali heebtooda la garan.
Goob joogayaal ayaa ku waramay in kooxo bistoolado ku hubeesan ay saaka dhoor xabadood ku dhuftay Nabadoon Cabdi Maxamed Jaamac oo loo yaqaan Koryeeri, waxaana Nabadoonka la dilay xili uu fadhiyay goob lagu shaaho.
Nabadoonka la dilay ayaa sidoo kale la sheegay in uu ahaa ganacsade laga garanayo Degmada Yaqshiid, Kooxihii dilka fuliyay ayaana si deg deg ah uga baxsaday halka ay ku dileen Nabadoonka Cabdi Maxamed.
Ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya ayaa baaritaano ka sameeyay dilka kadib xaafada Carafaad ee Degmada Yaqshiid, walina lama oga sababta loo dilay nabadoonka, waxaana dilkiisa aad uga naxay dadka deegaanka.
Degmada Yaqshiid xaafado katirsan ayaa marar kala duwan lagu dilay waxgarad iyo ganacsato degmadaasi caan ka ahaa, waxaana inta badan dilalkaasi fuliya dhalinyaro bistoolado ku hubeesan.
Dhanka youtube ka linkiga hoose
https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0