Home Afsomali Kormeerka bangiga Dhexe iyo Amarka Khasnada lagu qufulay

Kormeerka bangiga Dhexe iyo Amarka Khasnada lagu qufulay

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka,  Mahdi Maxamed Guuleed, oo maanta kormeer ku tegay Bangiga dhexe ee dalka ayaa maamulka bangiga kala hadlay dardar-gelinta shaqooyinka qaranka ay u hayaan iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Mahdi Maxamed Guuleed oo xarunta bangiga dhexe kulan kula qaatay guddoonka bangiga dhexe ayaa ka dhageystay sida howluhu u socdaan waxuuna kula dardaarmay inay ku dadaadaal sii horumarinta shaqooyinka qaanka ee dhanka maaliyadda.

Bankiga dhexe ayaa mas’uul ka ah samaynta iyo maaraynta lacagta dalka, ka shaqaysiinta hannaanka xisaabeed ee dalka, abuuridda hannaanka bixinta lacagta oo midaysan iyo Isku dubba rididda qorshaha dib-u-soo celina hantida qaranka

Kormeerka uu Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka uu ku tegay xarunta bangiga dhexe ayaa qayb ka ah dadaallada lagu hubinayo habsami u socodka shaqooyinka dowladda iyo kahor tagga saameyn ka dhalata isbedelka siyaasadeed, lagula soconayo hannaanka hir-gelinta qorshayaasha hor-tebinta leh ee wasaaraha xukuumadda iyo hay’adaha kale ee dawladda, sare u qaadidda isla xisaabtanka, hufnaanta iyo daah-furnaanta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.