Home Afsomali Korneyl Shuute oo go’aamiyey in halkiisa lagu dilo qofkii dambe ee qof...

Korneyl Shuute oo go’aamiyey in halkiisa lagu dilo qofkii dambe ee qof dila

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada Soomaaliya Korneyl Xasan Cali Nuur Shuute oo ka mid ahaa masuuliyiintii Madaxweyne Xasan Sheekh u raacday safarkii uu ku tegay degmada Cadale iyo deegaanada hoos taga, ayaa ka hadlay qorshahoodii safarka Cadale.

Shuute ayaa sheegay in safarkaas uu muhiim u yahay joojinta dagaalka sokeeye ee aagga Cadale ka socda iyo sii socoshada dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Ciidamo gaar ah iyo xeer ilaaliye ka socda garsoorka ciidamada ayuu sheegay inay ka howl-geli doonaan deegaanadii ay beelaha walaalaha ah ku dagalameen ee gobolka Shabeellada Dhexe, iyadoo qof kasta halkii uu dhibaato ku geyso deg deg tallaabo looga qaadi doono.

Guddoomiye Shuute ayaa cadeeyey in xiligaan sababta ay u tageen Cadale uu ahaa in la go’aamiyey in halkiisa lagu dilo qofkii dambe ee qof dila, isagoo digniin u diray odayaasha dhaqanka, ganacsatada iyo cid kasta oo suurtagal ay ka tahay inay isku dirto beelaha, qofkii aan dil muteysan wuxuu ugu goodiyey xabsi dheer.

Heshiiskii ay gaareen beelihii dagaalamay ee habeen ka hor lagu kala saxiixday Cadale ayuu sheegay Shuute inuu yahay mid aad u fiican oo lagu kala nabad gelaayo, isagoo cadeeyey in garsoonka ciidamada ay ka go’antahay in heshiiskaas la dhaqan geliyo.

Guddoomiye Shuute ayaa si cad u sheegay in dagaalka beelaha ee Sh/Dhexe uu hakad geliyey dagaalkii Al-Shabaab, si taasi aysan u dhicina wuxuu balan-qaaday in qofkii isku daya inuu fidno dambe kiciyo ay tallaabo sharci ah deg deg uga qaadi doonaan, ka garsoor ahaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.