Home Afsomali Ku dhawaad 40 Haween soomaaliyeed oo xabsiga loo dhigay in ay Jabiyeen...

Ku dhawaad 40 Haween soomaaliyeed oo xabsiga loo dhigay in ay Jabiyeen Bandowgii Nairobi

Ciidamada Booliska Kenya ee ka howlgalla  magaalada Nairobi ayaa  waxaa la sheegay inay xireen haween fara badan oo Soomaali, kuwaas oo goobjoog ka ahaa xaflad Aroos oo ka dhaceysay xaafadda Soomaalida ay ku badan tahay ee Islii.

Haweenkaan oo tiro ahaan gaaraya ilaa 39 Dumar ah  ayaa lagu eedeeyey inay ay jebiyeen Amarkii Bandowga ahaa ee Dowladda Kenya xilliyada habeenkii ah ay saartay Caasimadda Kenya ee Magaalada Nairobi.

Booliska ayaa waxaa ay sheegeen in xilliga ka qabanayey ay Haweenka Soomaalida ah ku sugnaayeen dhismaha Nasra ee saaran jidka Spine, xaafadda Islii,isla markaana ay geliyeen Goob dadka lagu karantiilo wixii kharash ahna ay iyaga iska dhiibayaan.

Sawiro laga soo qaadey Haweenka la xiray ayaa la arkayay,iyaga oo saaran Gaari Shabaqle ah,kuwaas oo loo sii wado Xarunta Karantiilka maadaama dalka Kenya ay ka jirto cabsi badan oo la xiriirta Cudurka COVID-19.

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa saaran Bandow Habeenkii ah oo bilaabanaya 7:00 Fiidnimo,waxaana Dowladda Kenya ay sheegtay in tallaabadaasi ay uga gol leedahay xakameynta Cudurka Coronavirus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.