Home Afsomali VIDEO Kufsade Cabduqaadir Warsame Puntland oo gacanta lagu dhigay baaritaan dheer ka...

VIDEO Kufsade Cabduqaadir Warsame Puntland oo gacanta lagu dhigay baaritaan dheer ka dib

Wararka ay somalisan.com ka heleyso Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidanka Ammaanka Gaar ahaan kuwa Sirdoonka Jubbaland ay Gacanta ku dhigeen Askari ka tirsan Ciidamada Puntland kaas oo fal kufsi iyo dhaawac ka geystay Boosaaso.

Askarigaan oo Magaciisa lagu sheegay Cabduqaadir Warsame kana mid ah Ciidamada Badda Puntland ayaa waxa uu fal Kufsi iyo dhaawac ah isugu daray mid ka mid ah Gabdhaha ku noolaa Boosaaso oo 16 jir ah taasoo haatan lagu daweynayo Magaalada Muqdisho.

Warkka ayaa sheegaya in askarigii gabdha da’da yar isku dayay in uu kufsado kadibna xubinta taranka xabad kaga dhuftay in magaalada Galkio diyaarad laga saaray 2 November ay ka dajisay magaaladda wajeer ee Gobolka Soomalidu dagto ee waqooyi bari Kenya.

27 OCt ayuu askarigan oo lagu magaacabo Cabdiqaadir wasame Axmed kana tirsan ciidanka maamulka Puntland Faisa Cabdixaji ku dhibaateeyay magaalada Bosaso. Waxaa la sheegay in askariga loo sii tahriibanyo Nairobi kadibna Dalka Tanziana.

Soomaliya ayaa waxay ka mid tahay Wadmada ku jira Heshiiska booliska Aduunka ee loo yaqaano “Interpol”. Dowaladda Soomaliya waxay soo saari kartaa amar caalami ah oo waajib kaga dhigaya wadama ku jira heshiiska “Interpol” in ay qabtaan askarigan baxsadka ah.
Soomaliya ayaa waxaa kadhaca xadgudubyo uu kufsigu ka midyahay laakiin dhacdadan ayaa dareen gaar ah leh maadama aysan ku ekayn kufsi kali ah.

Axmed abdihadi Ciidamada Sirdoonka Jubbaland ayaa Askarigaan sida dadka Kismaayo ay sheegeen ka soo qabteen Guriga Gudoomiyaha Magaalada Kismaayo oo ay Ehel yihiin kaas oo uu ku dhuumanayay.

Ehelada gabdhan dhibaatada la gaarsiiyay ayaa codsaday in ninkan dhibka gaarsiiyay gabadhooda lasoo qabto lana horgeeyo maxkamad cadaalad ah ay ku kalsoonaan karaan.

Maanta ayaa qorshuhu yahay in lagu wareejiyo Ciidamada Sirdoonka Maamulka Puntland Askarigaan falka kufsiga iyo dhawaca geystay si halkaasi loogu Maxkamadeeyo.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa Baraha Bulshada lagu faafinayay Magaca iyo Sawirka Gabadha dhibaatada uu Askariga u geystay, taas oo keentay in dadaal badan lagu bixiyo sidii loo soo qaban lahaa Askariga dhibtaan geystay ugu dambeyna Kismaayo laga soo qabtay.

Kufsade Cabduqaadir Warsame Puntland

 

dhanka youtube a  ttps://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.