Home Afsomali Kulan deg deg ah oo la isugu yeeray Xildhibaanada labada Aqal iyo...

Kulan deg deg ah oo la isugu yeeray Xildhibaanada labada Aqal iyo Madaxweyne Xasan oo…

Barri oo Talaado ah taariikhduna tahay 02.01.2024, waxaa jira kulan labada aqal ee BJFS
Goobta: Villa Hargeisa.
Wakhtiga – 9:00 subaxnimo.
Mahadsanidiin

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan deg deg ah isugu yeeray xildhibaanada labada Aqal, waxaana kulankaasi ka qeyb gala oo khudbad ka jeedinaya madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Farriimo loo diray xildhibaannada labada Aqal ayaa lagu war-galiyay in ay kasoo qeyb galaan kulanka deg deg ah , waxaana loo sheegay xildhibaanada in madaxweyne Xasan Sheekh uu hadal u jeedin doono.

Kulankan deg dega ah ayaa madaxweyne Xasan Sheekh kaga hadli doonaa heshiiska xad-gudubka ku ah Qaranimada Soomaaliya ay Adis Ababa ku gaareen madaxweyne Muuse Biixi iyo ra’isul wasaare Abiy Axmed.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa u saxiixay dowladda Itoobiya in la siiyo oo adeegsadaan qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya, halka Itoobiya dhankeeda u ballan-qaaday Somaliland in ay dowlad ahaan u aqoonsan doonto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.