Home Afsomali Kulan deg deg ah oo laga yeeshay Amniga Jowhar kadib qaraxyo ka...

Kulan deg deg ah oo laga yeeshay Amniga Jowhar kadib qaraxyo ka dhacay

 

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe  Axmed Meyre Makaraan ayaa shir gudoomiyey kulanka Amniga oo ay ka qeyb galeen saraakiisha ciidamada booliiska Hirshabelle Ciidamada Nabad sugida iyo kuwa xooga Dalka Soomaaliyed

Kulanka oo lagu qabtay Magaalada Jowhar  ayaa looga hadlay xaalada amni ee Gobolka Shabeellaha Dhexe gaar ahaan Magaalada Jowhar oo maalmihii la soo dhaafay ay qaraxyo ka dhacayeen.

Dhammaan saraakiisha ka qeyb gashay kulanka ayaa waxaa ay Warbixino guud ka siiyeen guddoomiyaha howlgallada Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa howlgalka ATMIS ay ka sameeynayeen degaannada Hir-Shabeelle

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka ayaa laamaha amniga faray in la kordhiyo howgallada looga hortagayo falalka amni darada iyo Qaraxyada ay maleegeen Al-Shabaab ee ka dhacaya Magaalada Jowhar, kuwaas oo ay ku waxyeeloobeen madax iyo Shacab.

Dhawaan ayaa waxaa Magaalada Jowhar ka kala dhacay qaraxyo mid kamid ah uu ahaa gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, kaas oo lagu weeraray Hotel ay deganaayeen wasiiro & Xildhibaano katirsan Maamulka Hir-Shabeelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.