Home Afsomali Kulan Ku Muqdisho ku dhaxmaray Madaxda Dowlada F.D iyo mamul Goboleyadda kaasi...

Kulan Ku Muqdisho ku dhaxmaray Madaxda Dowlada F.D iyo mamul Goboleyadda kaasi oo looga tashanayey Qorshaha horumarinta qaranka ( DAAWO SAWIRADA )

carte

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa gudoomiyay kulan wadatashi ah oo u dhaxeeyay dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada dalka kaa soo ku saabsanaa QHQ.

Carteh ayaa ka hadlay muhiimada ay leedahay in maamul goboleedyada laga la tashto QHQ.

 

“Qorshaha Horumarinta Qaranka waa mid dalka oo idil loo sameeyay, waxa inaga galay wakhti, maal, fikir, iyo xoogeenna si looga midho-dhaliyo looguna guuleysto qorshe u sameynta dalka. Maanta waxa aan isugu nimid in aan u gogol-xaadhno dhameystirka iyo ansixinta QHQ. Sidaa darteed waa muhiim inaad talooyinkiina ku biirisaan si uu uga tarjuma baahida ka jirta dhammaan gobolada dalka’’.

 

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa ugu dambeyn u mahadceliyay Wasiirka iyo Wasaradda Qorsheeynta Qaranka iyo Wasiirada Wasaaradaha Qorsheeynta ee maamul goboleedyada, wuxuuna ku bogaadiyay wada shaqeeynta ka dhaxeysa.

CSC 0811
CSC 0807
CSC 0809
1px

 

Dhanka youtube ka linkiga hoose 

https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.