Home Afsomali Kulan Looga Hadlaayay Ammaanka Deegaanada Maamulka Galmudug Oo Qabsoomay

Kulan Looga Hadlaayay Ammaanka Deegaanada Maamulka Galmudug Oo Qabsoomay

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa maanta shir gudoomiyay shirka amniga Galmudug oo lagu qabtay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulkaas.

Shirkaan oo ay ka so qaybgaleen Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud iyo saraakiisha ciidamada qalabka sida ayaa diiradda lagu saaray amniga guud ee Galmudug iyo la dagaalanka Al-Shabaab.

Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Galmudug Cali Daahir Ciid oo shirkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in Galmudug ay had iyo goor u taagantahay ka hortagga iyo la-dagaalanka Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa waxaa uu Ciidamada ciidamada qalabka sida ku boggaadiyay kahortega Al-Shabaab oo ay ugu danbeesay dagaalkii shacabka reer Baxdo iyo ciidamada qalabka sida ay ku dhufteen Alshabaabkii weerarka kusoo qaaday deegaanka Baxdo.

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa Ciidamada Maamulka iyo kuwa Xoogga faray in ay sii laba jibaaraan gudashada waajibaadkooda ee ah sugida ammaanka guud ee deegaanada Maamulka.

Previous articleWasiirka Waxbarashada Oo Ka Hadlay Shaqaaqo Dhaxmartay Askar Iyo Ardey Imtixaan Galeysay
Next articleXasan Sheikh Oo La Kulmay Madaxweynaha Isu-Tagga Imaaraadka Carabta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.