Home Afsomali Kulanka golaha wasiirada iyo go.aanadii ka soo baxay(DAAWO SAWIRADA)

Kulanka golaha wasiirada iyo go.aanadii ka soo baxay(DAAWO SAWIRADA)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta daah-furay kulan wadatashi (Retreat) labo cisho ah oo ay xubnaha Golaha Wasiirada ku dar-dargelinayaan waxqabadka Xukuumadda.

Ujeedada kulankan labada cisho ah oo ay wasiiradu ku gorfeynayaan qorshe-howlleedka xukuumada ayaa ah sidii qorsheyaasha wasaaradaha ay u noqon lahaayeen kuwo mideysan oo ka tarjumeysa barnaamijka xukuumadda. Sidoo kale ujeedada kulankan wadatashiga ah ayaa ah dhaqangelinta barnaamijyada isku xirka bulshada iyo daawladda, loogana hadli doonaa sidii loo dhaqangelin lahaa dawlad wanaag, isla xisaabtan, furfurnaan iyo u-adeegidda bulshada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo daahfuray kulankan wadatashiga ah ayaa ka hadlay muhiimada wadatashiga oo uu sheegay in Wasiirada looga fadhiyo inay u adeegaan shacabka Soomaaliyeed. Ra’iisul wasaaraha ayaa yiri “Xukuumaddu waa inay horumuud ka noqotaa dardargelinta waxqabadka dowladda si loo kordhiyo kalsoonida shacabka oo muhiim u ah hirgelinta barnaamijka xukuumada. Aniga ka Ra’iisul Wasaare ahaan waxaan diyaar u ahay inaan furumaha dagaalka tago oo aan ciidanka geesiyaasha la wadaago daruufaha adag oo ay ku howlgalayaan, waxaana diyaar u ahay inaan nafteyda ku waayo oo aan u huro difaaca shacabka.”

Kulankan wadatashiga ah ee labada cisho ayaa lagu lafagurayaa arrimaha ay dowladu siisay mudnaanta sida ka hortaga abaaraha, soo celinta amniga & nabadeynta, kobcinta dhaqaalaha, la dagaalanka musuqmaasuqa, gaarsiinta doorashooyin hal cod iyo hal qof ah, dib-u-heshiisiinta, midnimada ummadda Soomaaliyeed iyo xiriirka caalamiga ah. Khubaro ku xeel dheer arrimaha mudnaanta leh ayaa jeedin doona casharo wasiirada loogu sharaxayo xaalada dalka iyo sida loo gaari karo in waxqabad dhab ah lala yimaado.

Sidoo kale, kulanka ayaa intii uu socday waxaa laga dhageystay cabashooyin qaar kamid ah shacabka oo iyagu ku biiriniyey tallooyinkooda Xukuumadda, waxana ay soo bandhigeen caqabadooyin kala duwan oo ay la kulmeen.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ugu danbeyntii kula dardaarmay Wasiirada inay waqtigooda ka faa’iideystaan oo labadan cisho ay ku soo saaraan barnaamij dhameystiran oo ay ku mideysan-yihiin si shacabka Soomaaliyeed loogu adeego. Wasiirada ayaa laga sugayaa inay soo saaraan siyaasad cad-cad oo dalka u horseeda horumar iyo in howlaha loo igmay dowladda ay hirgeliso iyadoo laga duulayo hiraalkii Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ee ahaa Nabad & Nolol.

__DHAMMAAD

6Z0A8812
6Z0A8816
6Z0A8834
6Z0A8838

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.