Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya
Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Goordhow ku dhawaaqay in uu baaqday kulankii Maanta ee Golaha Shacabka .
Kulanka maanta waxaa xaadiray 164 xildhibaan, iyadoo markii hore uu guddoomiyaha baarlamaanka uu furay kulankii maanta.
Sababta uu kulanka u baaqday ayaa waxaa lagu sheegay in ay tahay khilaaf ka dhashay Codkii loo qaaday warbaahinta,isla markaana xildhibaanada ay laba garab kala noqdeen Kulanka ayaa maanta baaqday ayaa inta badan waxaa soo xaadiray Hay’addaha Ammaanka dowladda Soomaaliya si su’aallo looga weydiiyo Ammaanka dalka.
Kulankaan ayaa ah Mid si weyn isha loogu haayay Saacaddihii ugu dambeeyay Xaalad Amni daro oo daran ay ka jirto Muqdisho.
Waxay dalbadeen in Wasiiradda Amniga, Gaashaandhiga iyo Taliyaasha hor yimaadaan, waa laga aqbalay wayna yimaadeen.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa codsaday in Saxaafadda banaanka loo saaro maadaama xogo halis ah oo amniga ku saabsan la is waydaarsanayo, wayna diideen cod ayaana looga adkaaday, kadibna buuq iyo foodo ayay dhaliyeen.
Ma is weydiiyeen raga qeylinaya in xogo Sirdoon iyo xeelado cusub oo looga hortagayo Alshabaab loo soo bandhigayo, taasina aan la dooneyn inay Saxaafadda baahiso si cadawga uusan u ogaan xogahaasi oo walwal xoogan ay ka qabaan.
Haddaba Istaraatiijiyadda Amniga ee cusub waxay welwel ku abuurtay Al-Shabaab oo 3 billood ee soo socota loo qorsheeyay in Muqdisho iyo deegaanada u dhow dhowba looga sifeeyo.
Haddaba, ma waxaa jira Xildhibaano doonaya in xogahaasi ama Istaraariijiyadaas la fashiliyo oo cadawga sii ogaadaan?