Home Afsomali Kursi Doorashadiisa Adag Tahay Oo Maanta Ka Dhaceysa Magaalada Baladweyne

Kursi Doorashadiisa Adag Tahay Oo Maanta Ka Dhaceysa Magaalada Baladweyne

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa Maanta oo Axad ah waxaa lagu wadaa inay ka dhacdo doorashada kursiga Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee tirisgiisu yahay #HOP058 oo uu ku fadhiyey sanadihii lasoo dhaafay Nuur Iidow Beyle.

Guddiga doorashada dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa shalay soo gaba-gabeeyay diiwaan-gelinta Musharaxiinta u tartamaya kuraastaas, waxaana shahaado la siiyay 7 Musharax oo ku loolami doona doorashada kursiga #HOP058.

Musharaxiinta ku tartamaya kursigaan ayaa waxaa kamid ah Cabdullaahi Maxamed Cali Sambaloolshe oo ahaa Taliyihii hore ee NISA, Eng Yoonis Maxamed Nuur, Cali Cabdullaahi Cosoble oo ah Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle, Cabduqaadir Xuseen Olow, Maxamuud Afdhub Makaran, Cabdullaahi Axmed Xuseen iyo Ubah Ali Shegow.

Doorashada kursiga tirisgiisu yahay #HOP058 ayaa Maanta noqon doonta mid siweyn loogu tartamo, kadib markii Guddiga doorashada fureen kursigaan oo uu horey ugu fadhiyey sanadihii lasoo dhaafay Nuur Iidow Beyle oo tartankaan ka haray.

Maamulka Hirshabeelle ayaa la filayaa in maalinta berri uu soo gaba-gabeyo doorashada kuraasta Golaha Shacabka ku harsan ee taalla Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana weli usii harsan kuraas kale oo taalla Magaalada Jowhar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.