Home Afsomali La soco Wadahaladii somalia iyo somaliland waqtiga ay dhacayaan

La soco Wadahaladii somalia iyo somaliland waqtiga ay dhacayaan

FORWARDED AS RECEIVED
War aan ka hellay ilo diblomaasiyadeed gallabta ayaa ii xaqiijiyay in maraykanku doonayo in xal kama danbays ah laga gaadho wada-haladda siyaasadeed ee u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.

Warka aan hellay ayaa ii xaqiijiyay in maraykanku doonayo in wada-hadaladda loo sameeyo jadwal cad oo leh wakhti bilaw iyo dhamaad leh, isla markaana wata heshiis sharci oo bulshada caalamku goob joog ka ahaato.

Warka aan hellay ayaa ii xaqiijiyay inay dhawaan Somaliland uu iman doonaan wefdi uu hogaaminayo danjiraha cusub ee dawladda maraykanka ee Soomaaliya Ambassador Don Yamamoto, oo isagu qayb weyn ku yeelan doona wada-hadalka.

*Sida xogtu ii xaqiijisay Ambassador Yamamoto oo ahaa maskaxdii ka danbaysay wada hadaladdii Eritrea iyo Ethiopia* ayaa doonaya in qaabkii loo dhamaystiray loo soo afjaro arrinta Somaliland iyo Soomaaliya.

Danjiraha qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa isaguna qayb weyn ku yeelan doona wada hadalka

Shariikadaha maraykanka ee salliida ee Chevron iyo Conocophilips oo sannadahii 80 naadkii dawladdii Maxamed Siyaad Barre heshiis kula gallay inay salliid iyo shidaal ka qodaan Somaliland ayaa xogtu ii iftimisay inay qayb ka yahiin dedaalka la doonayo in lagu dhamaystiro arrinta masiiriga ah ee u dhexaysa Somaliland iyo Soomaaliya.

*Qorshaha ayaa ah in madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo madaxweynaha Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ay kulan ku yeeshan dhamaadka bisha January ama horaanta bisha February magaaladda Jibouti ee xarunta* *Jamhuuriyadda Jibouti.*

Wixii ka danbeeya labada dhinac ayaa soo xuli doona guddiyo ka qayb gali doona wada-hadaladda labada dhinac. Wadahadaladda ayaa ka qabsoomi doona Jibouti.

Wadahaladda ayaa kuwii hore kaga duwanaan doona iyadoo beesha caalamku u samayn doonta ajande iyo jadwal ay labada dhinac raali ka wada yahiin isla markaana wada-hadaladdu ku qotomi doonaan.

Beesha caalamka ayaa goob joog ka noqon doonta wada hadalka, halka dawladda Jibouti na ay ku matali doonto dhex dhexaadin iyo garnaqista labada dhinac.

Dhawaan waxaa magaaladda Washington tagi doona laba wefdi oo ka kala socda Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanay kulan la yeelan doonaan kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda maraykanka u qaabilsan arrimaha Afrika *Tibor Peter Nagy Jr.* oo isaga laftigiisu arrimahan Jibouti u joogay usbuuc ka hor.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.