Home Afsomali Laamaha amaanka ee horshabelle oo amar lagu siiyey in ay soo xiraan...

Laamaha amaanka ee horshabelle oo amar lagu siiyey in ay soo xiraan yuusuf dabageyd laguna ee deeyey …..

War qoraal ah oo ka soo baxay HirShabelle ayaa lagu amray si deg deg ah loo soo xiro guddoomiyihii xilka laga qaaday ee gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed).

Warqada lagu soo xirayo mas’uulkan ayaa ka soo baxday xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee dowlad goboleedka HirShabelle Mudane Cabdullaahi Maxamuud Gacal.

Dabageed ayaa lagu eedeeyay dambiyo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xadgudub awoodeed, oogida dagaal sokeeye iyo kuwa kale.

Go’aankan lagu soo xirayo guddoomiye Dabageed ayaa ku soo aadaya xilli maanta ciidamo taabacsan isaga iyo kuwa Hirshabelle ay ku dagaalameyn duleedka degmada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Xiisada dagaalkan oo weli ka taagan deegaanka Kala-bayr ayaa waxaa ku dhintay taliyihii qeybta Booliska gobolkaaasi Gaashaanle Dhexe Maxamed Mocow.

Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay saraakiil iyo askar kale oo ka tirsanaa labada dhinac.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana weli is horfadhiya dhinacyada dagaalamay oo kala ah Boolis iyo Nabad Sugid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.