Home Afsomali Laamaha Amniga degmada Dayniile oo qabtay Nin Hoobiyeyaal Muqdiso ku garaaci rabay

Laamaha Amniga degmada Dayniile oo qabtay Nin Hoobiyeyaal Muqdiso ku garaaci rabay

Laamaha Amniga degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa gacanta ku dhigay Maxamed Xassan Cali, oo la sheegay inuu ka tirsan yahay Al-habaabka Qaraxyada fuliya , kaas “oo doonayay inuu hoobiyeyaal ka tuuro” degmada Dayniile.

 

Maamulka  ayaa sheegay in shaqsigaasi lagu qabtay degmada Dayniile, islamarkaana dhawaan caddaaladda la horkeeni doono.

 

Waxaa uu intaasi kusii daray “Waxaan amaan iyo bogaadin u jeedinayaa ciidamada amniga oo heegan buuxa ugu jira sidii ay shacabka Gobolka Banaadir uga badbaadin lahaayeen dhagarta cadawga.”

 

Wararka ayaa sheegaya in ninkan uu hoobiyaha uu ku tuuri rabay Garoonka kubadda Cagta Stadium Muqdisho ayaa dib loo furay labo bil ka hor, kaddib markii dib u dhis lagu sameeyay.

 

Bilihii lasoo dhaafay ayaa magaalada Muqdisho gaar ahaan Madaxtooyada iyo xarunta Xalane waxaa ku dhacayay hoobiyeyaal laga soo tuurayay xaafado ka mid ah Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.