Home Afsomali laamaha Amniga Galmudug oo gacanta ku dhigay qaraxyo & dadkii waday

laamaha Amniga Galmudug oo gacanta ku dhigay qaraxyo & dadkii waday

Kadib howlgal gaar ahaa oo ay sameeyeen Ciidamada Ammaanka Galmudug ayaa waxaa ay kusoo qabteen In kabadan konton qarax oo la doonayay in lasoo galiyo magalaada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Saraakiisha laamaha Amniga Galmudug ee Gaalkacyo ayaa sheegay in Ciidamada oo adeegsanayay Xuuraanka shacabka iyo ilaha sirdoon ay degaanka Dagaari kusoo qabteen In ka badan 50 Miinooyinka nuucyadooda kala duwan, Jawano budo ah iyo dadkii waday.

Saraakiisha laamaha amniga ayaa sheegey in guul laga gaaray howlgalkaan, isla markaana ay doonayaan inay soo bandhigaan maalmaha soo socda. Xogta waxyaabahaan qarxa iyo Dadka waday.

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug oo ay dhinacyadeeda kala kala Maamulaan Galmudug iyo Puntland ayaa waxaa horay uga dhacay qaraxyo waaweyn oo qaarkood mas’uuliyiin lagu dilay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.