Home Afsomali Laamaha Amniga Gobolka Gedo oo soo bandhigay waxyaabaha qarxa

Laamaha Amniga Gobolka Gedo oo soo bandhigay waxyaabaha qarxa

Ciidamada Booliska degmada Beled-xaawo ee Gobolka Gedo ayaa  howlgallo miino baaris ah waxa ay Maanta ka sameeyeen xadka Soomaaliya iyo Kenya gaar ahaan inta u dhaxeeysa magaalooyinka Beled-xaawo iyo mandheera.

Saraakiisha Ciidamada Booliska Magaalada Beled-xaawo ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa markii ay heleen xog ku saabsan qarax miino oo ay Al-Shabaab ku aaseen inta u dhaxeeysa Magaalooyinka Beled-xaawo iyo Mandheera gaar ahaan barxada ina baari, isla markaana ay soo saareen Miinadii.

Waxaa ay sheegeen in miinada ay Al-Shabaab doonayeen inay ku dhibaateeyaan dadka Shacabka ah ee u kala gooasha Magaalooyinka Beled-xaawo iyo Mandheera gaar, hayeeshee dadka Shacabka ah oo xogta la soo wadaagay kadib ay sidaaasi ku howlgalleen.

Saraakiisha Ciidamada Booliska Magaalada Beled-xaawo ma sheegin dad ay ku qabteen howlgalkaas, balse ay sheegeen inay sii wadi doonaan howlgallada miino barista ah, sidoo kalena ay siweyn u xaqiijin doonaan amniga xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Dhowr jeer ayaa wadada u dhaxeeysa Magaalooyinka Beled-xaawo iyo Mandheera waxaa qaarxyo miino lagula eegtay ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya ay Gobolka Gedo geysay, hayeeshee todobaadyadii la soo dhaafay ay halkaasi ka sameeynayeen ciidamada howlgallo kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.