Home Afsomali laamaha Amniga oo Dhuusamareeb ka mamnuucay Gawaarida Muraayadaha Madow

laamaha Amniga oo Dhuusamareeb ka mamnuucay Gawaarida Muraayadaha Madow

Ciidamada Booliska iyo Nabadsugida Magaalada Dhuusamreeb ee Caasimadda Galmudug ayaa bilaabay inay siweyn u adkeeyaan Amniga Magaalada halkaas oo la filayo in uu dhawaan tago wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Taliyaha Ciidanka Nabadsugida Magaalada Dhuusamareeb Dhamme Najiib Xersi Dhoore ayaa sheegay inay mamnuuc tahay in Magaalada lagu dhex wato Gaadiid leh muraayadaha Madow ee (Bensalka),  isla markaana uu kamid yahay waxyaabaha ay la dirirayaan.

Waxaa uu sheegay in Gaadiidka leh Muraayadaha Madow ee Bensalka uu yahay mid lagu fuliyo falalka Amni darro sidoo kalena loo adeegsado waxyaabaha maanka dooriya oo dhibaato ku haaya Dhalinyarada Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Nabadsugida Magaalada Dhuusamareeb Dhamme Najiib Xersi Dhoore wuxuu hadalkiisa uu in taasi ku daray in Gaadiidkii lagu arko muraayadaha Madow Maanta laga hilaabo tallaabo laga qaadi doo o, sidoo kalena sida Al-Shabaab oo kale ay ula dagaalami doonaan dadka isticmaala & kuwa ka Ganacsada waxyaabaha maanka dooriya.

Amarkaan kasoo baxay laamaha Amniga ayaa kusoo aadaya xilli la filayo in dhawaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu tago Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.